HomeWararXisbiga Waddani oo si adag uga horyimid muddo kordhinta Madaxweyne Muuse Biixi

Xisbiga Waddani oo si adag uga horyimid muddo kordhinta Madaxweyne Muuse Biixi

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Xisbiga mucaaradka Somaliland ayaa si adag uga horyimid muddo kordhintii shalay Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen Madaxweynaha Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi oo muddo xileedkiisa loogu kordhiyey laba sanno. Musharaxa Xisbiga mucaaradka C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in tallaabadii shalay Golaha Guurtida Somaliland qaadeen aheyd fool-xumadii ugu weyned ee […]

- Advertisement -

Xisbiga mucaaradka Somaliland ayaa si adag uga horyimid muddo kordhintii shalay Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen Madaxweynaha Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi oo muddo xileedkiisa loogu kordhiyey laba sanno.

Musharaxa Xisbiga mucaaradka C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in tallaabadii shalay Golaha Guurtida Somaliland qaadeen aheyd fool-xumadii ugu weyned ee soo martay intii ay qaateen nidaamkan Axsaabta badan.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in Somaliland lagu hubsaday god madow oo uu dumay nidaamkii Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ku dhisnaa, isagoona tilmaamay in cirka lagu laalay rajadii Ictiraafka Somaliland, kuna eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu si toos ah ugu bareeyay sharci jebin iyo dastuurka uu meel uga dhacay.

“Xisbiga WADDANI muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweynaha Somaliland waxa uu u aqoonsan yahay in ay ku egtahay 13ka November  2022, wixii mudaddaas ka dambeeya Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa uma aqoonsan doono kuwa sharciyad ku fadhiya” ayuu yiri C/raxmaan Cirro oo ka horyimid  muddo kordhinta Madaxweyne Biixi.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u kordhiyey laba sanno, iyagoona sidoo kalena Golaha kordhistay 5-sanno ah, khilaafka ka taagan doorashada Somaliland ayaa circa isku sii shareeyay.

Latest stories