HomeWararShir looga hadlayo Nidaamka casriga ee Diiwaan-gelinta Madaniga oo ka furmay Muqdisho

Shir looga hadlayo Nidaamka casriga ee Diiwaan-gelinta Madaniga oo ka furmay Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga taasi oo ay ka qeybgalayaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan oo socon doonna muddo afar maalin ah ayaa looga hadlayaa sidii loo heli lahaa […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga taasi oo ay ka qeybgalayaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socon doonna muddo afar maalin ah ayaa looga hadlayaa sidii loo heli lahaa diiwaangelin mideysan oo casri ah taasi oo ay ka shaqeenayaan Dowladdaha Hoose iyo Hey’addaha tira-kobka, si loo helo tiro koob sax ah oo loogu sameeyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka.

- Advertisement -

Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkaan uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo Nidaam (Diiwaangelinta Madaniga) oo mid ah taasi oo ka hirgela dalka oo dhan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in hirgelinta Mashruucaan uu qeyb weyn ka qaadan doono sugida Amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo xuquuq helida Bulshada.

Latest stories