HomeWararMeydka Farxaan Qaroole oo Maanta lagu Aasayo qaruubo ku yaal Magaalada Muqdisho

Meydka Farxaan Qaroole oo Maanta lagu Aasayo qaruubo ku yaal Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa Maanta oo sabti lagu wadaa in qaruubo ku yaalla Magaalada Muqdisho lagu aaso Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo shalay lagu dilay qarax miino oo lagula beegsaday deegaanka Basra. Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne farabadan ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Salaada Janaasada Marxuum Farxaan […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo sabti lagu wadaa in qaruubo ku yaalla Magaalada Muqdisho lagu aaso Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) oo shalay lagu dilay qarax miino oo lagula beegsaday deegaanka Basra.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne farabadan ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan Salaada Janaasada Marxuum Farxaan Maxamuud, kadibna loo sameeyo Aas qaran.

- Advertisement -

Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa ku dhintay qarax miino dhulka lagu aasay, oo ka dhacay deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xilliga uu qaraxu dhacaayay Farxaan uu socday wado laga waday howlgal miino baaris ah, isagoo ka degay gaari nooca aan xabada karin.

Waxaa tacsi u diray Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha, Wasiirada iyo dhammaan wasiirada iyo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka, iyadoo tacsidiisa ay noqotay warka ugu weyn ee Baraha bulshada maalintii shalay aheyd.

Farxaan Qaroole ayaa markii hore ahaa Taliyaha Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad, kadibna waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, wuxuuna dhowr hoggaaminayey howlgalo laga fuliyey Magaalada Muqdisho.

Latest stories