HomeWararBoqortooyada Sacuudiga oo ballan-qaad u sameeysay Maamulka Gobolka Banaadir

Boqortooyada Sacuudiga oo ballan-qaad u sameeysay Maamulka Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Bin Axmed Almuwallad. Safiirka ayaa ugu horreeyn Guddoomiye Sheekh Madaale ugu hambalyeeyay Magacaabida uu markale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u Magacaabay hgogaanka Gobolka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Bin Axmed Almuwallad.

Safiirka ayaa ugu horreeyn Guddoomiye Sheekh Madaale ugu hambalyeeyay Magacaabida uu markale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u Magacaabay hgogaanka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Danjire Maxamed Bin Axmed ugu mahadceliyay sida walaaltanimada leh oo ay Dowladda Sacuudiya u taageerto dalka Soomaaliya iyo sida ay ugu go’an tahay Soomaaliya in ay sii xoojiso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab, taasi oo ku qotonta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.

Danjire Muwallad ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudiga ay kala shaqeyn doonto Duqa Magaalada Muqdisho dhinacyada horumarka, dib-u-dhiska iyo Maalgeshiga Caasimadda si dhaqaalaha u kobco isla markaana shacabka Muqdisho ay u helaan fursado shaqo.

Ugu danbeyn Danjire Maxamed Bin Axmed ayaa u rajeeyay Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) in uu eebe ku guuleeyo howlaha hor yaala.

Latest stories