HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geeridii Nabaddoon Cilmi Guure ee la...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geeridii Nabaddoon Cilmi Guure ee la dilay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle, geerida ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure. Madaxweynaha ayaa xusay in sida uu uga dhabeeyey Nabaddoon Cilmi halgankiisa iyo oraahdiisii ahayd in uu dalka ka xoreeynayo Al-shabaab ama uu shahiidayo isagoo dagaal […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle, geerida ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure.

Madaxweynaha ayaa xusay in sida uu uga dhabeeyey Nabaddoon Cilmi halgankiisa iyo oraahdiisii ahayd in uu dalka ka xoreeynayo Al-shabaab ama uu shahiidayo isagoo dagaal kula jira Al-shabaab, ay muujinayso in waxgaradka, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay maanta ka go’an tahay xoreynta dalka.

- Advertisement -

“Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo himilo oo aad u weyn, labadiiba waa ku guuleystay. In uu deegaankiisa xoreeyo iyo in uu u shahiido isagoo dalkiisa difaacaya. Waxa uu tusaale u yahay sida halgankani uu uga dhab yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan Kumanaan la mid ah Nabaddoon Cilmi, kuwaas oo hadda u wada taagan in ay dalka ka sifeeyaan Shabaabka, deegaan kastana kaga kici doonaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u waydiiyey naxariistiisa Janno Nabaddoon Cilmi Hagar Guure, dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida iyo Halgemyaasha xaq u diririka ah ee ku dhintay howlgallada xoreynta dalka ee maalmahan socda, waxa uuna u rajeeyey qoysaska iyo qaranka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen samir iyo iimaan.

Latest stories