HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse oo War kasoo saaray Nabaddoonkii Maanta lagu dilay Hiiraan

Ra’iisul Wasaare Xamse oo War kasoo saaray Nabaddoonkii Maanta lagu dilay Hiiraan

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay geeridii ku timid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo Maanta lagu dilay dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle. Ra’iisul Wasaare Xamse oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu tacsi ugu diray qoyska Marxuumka, isagoona ku […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay geeridii ku timid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo Maanta lagu dilay dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu tacsi ugu diray qoyska Marxuumka, isagoona ku tilmaamay inuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday dhibaatada lagu haayo dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in Marxuum Cilmi Hagar Guure uu astaan iyo halbeeg u yahay kuwa dadka nabadda iyo xasiloonida u diiday, waa sida uu hadalka  u dhigay Xamse Cabdi.

“Waxaan ka tacsiyaynayaa geeridda xaqa ah ee kutimid Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku shihiiday dagaal ka dhacay jiidda hore ee dagaalka ee deegaanka Ceel Qooxle, Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa Maanta lagu dilay dagaal xoogan oo Ciidanka dowladda, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Latest stories