HomeWararWararkii ugu dambeeyay dagaalka AL-Shabaab iyo Millateriga Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka AL-Shabaab iyo Millateriga Soomaaliya

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaaliya inay ka saareen ururka al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaadho hawlgallada ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanku. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in Al-Shabaab laga saaray […]

- Advertisement -

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaaliya inay ka saareen ururka al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaadho hawlgallada ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanku.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in Al-Shabaab laga saaray illaa 40 deegaan, taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo ciidamada kamaandoosta ah, ee ay tababartay dawladda Maraykanku.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka dhabta ah waxaa qaaday maleeshiyaadka loo yaqaano macawisleyda oo u abaabulan hab qabiil, hase ahaatee taageero ka helaya dawladda Soomaaliya.

Wararka ka imanaya dhinaca Koonfur Galbeed ayaa isna sheegaya, in maaleeshiyo deegaanka ah oo xidhiidh la leh maamulka Koonfur Galbeed inay Isniintii la wareegeen gacan ku haynta illaa afar deegaan oo hoos taga degmada Baydhabo ee gobolka Bay. Maleeshiyadan ayaa taageero ka heshay ciidamada milateriga ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa muujinaysa in kacdoonka ka dhanka ah ururka al-Shabaab inuu haatan ku faafay deegaano hor leh.

Warbaahinta dawladda ayaa Isniintii sheegtay in deegaamo ay ka mid yihiin Busley, Buulo-jadiid, Mataani iyo Usli inay ka mid yihiin goobaha la xoreeyey.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka qayb galay dood ka socotay telefishan maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanku inay ku guulaysteen inay maleeshiya Al-Shabab ku jebiyaan badhtamaha Soomaaliya, isaga oo tusaale u soo qaatay guulihii laga gaadhay hawlgalladii ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Waxa uu xusay in illaa 40 deegaan oo ku yaalla gobolka Hiiraan iyo lix kale oo ka tirsan Galgaduud in lagu saaray wax ka yar muddo saddex toddobaad, isagoo ku tilmaamay inay tahay shaqo aad u wacan oo la qabtay.

Latest stories