HomeWararWararkii ugu dambeeyay dagaalka AL-Shabaab iyo Millateriga Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka AL-Shabaab iyo Millateriga Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaaliya inay ka saareen ururka al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaadho hawlgallada ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanku. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in Al-Shabaab laga saaray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaaliya inay ka saareen ururka al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaadho hawlgallada ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanku.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in Al-Shabaab laga saaray illaa 40 deegaan, taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo ciidamada kamaandoosta ah, ee ay tababartay dawladda Maraykanku.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka dhabta ah waxaa qaaday maleeshiyaadka loo yaqaano macawisleyda oo u abaabulan hab qabiil, hase ahaatee taageero ka helaya dawladda Soomaaliya.

Wararka ka imanaya dhinaca Koonfur Galbeed ayaa isna sheegaya, in maaleeshiyo deegaanka ah oo xidhiidh la leh maamulka Koonfur Galbeed inay Isniintii la wareegeen gacan ku haynta illaa afar deegaan oo hoos taga degmada Baydhabo ee gobolka Bay. Maleeshiyadan ayaa taageero ka heshay ciidamada milateriga ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa muujinaysa in kacdoonka ka dhanka ah ururka al-Shabaab inuu haatan ku faafay deegaano hor leh.

Warbaahinta dawladda ayaa Isniintii sheegtay in deegaamo ay ka mid yihiin Busley, Buulo-jadiid, Mataani iyo Usli inay ka mid yihiin goobaha la xoreeyey.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka qayb galay dood ka socotay telefishan maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanku inay ku guulaysteen inay maleeshiya Al-Shabab ku jebiyaan badhtamaha Soomaaliya, isaga oo tusaale u soo qaatay guulihii laga gaadhay hawlgalladii ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Waxa uu xusay in illaa 40 deegaan oo ku yaalla gobolka Hiiraan iyo lix kale oo ka tirsan Galgaduud in lagu saaray wax ka yar muddo saddex toddobaad, isagoo ku tilmaamay inay tahay shaqo aad u wacan oo la qabtay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts