HomeWararMasuul ka tirsan Maxkamadda Gobalka Banaadir oo Qarax lala-beegsaday

Masuul ka tirsan Maxkamadda Gobalka Banaadir oo Qarax lala-beegsaday

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax goordhawyed ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan meel u dhaw Madaxtooyada. Wararkii ugu dambeeyay ee ina soo gaaraya ayaa waxaa ay tilmaamayaan in Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyin iyo xaafado ka tirsan Caasimadda uu ka dhacay nawaaxiga kontroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada gaar […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax goordhawyed ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan meel u dhaw Madaxtooyada.

Wararkii ugu dambeeyay ee ina soo gaaraya ayaa waxaa ay tilmaamayaan in Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyin iyo xaafado ka tirsan Caasimadda uu ka dhacay nawaaxiga kontroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada gaar ahaan dhanka Seydka.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa lala beegsaday sida wararku sheegayaan Masuul ka tirsan Dowladda, kaasi oo la sheegay in Qaraxa gaarigiisa loogu xiray.

Masuulka la beegsaday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana lagu magacaabaa Musharaf Maxamed Macalin, kaasi oo la sheegay in uu ahaa Xoghayaha Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Banaadir.

Dhawaac Masuulka ayaa loo qaaday mid ka mid ah Cusbitaalada magaalada si loola tacaalo Xaaladdiisa Caafimaad, maddaama sida la sheegayo uu soo gaaray dhaawac aad u Culus.

- Advertisement -

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa isku socodka guud hakad galiyay Ciidanka ammaanka, inkastoo Qaraxaasi aaan lashaacin dad loo soo qabtay.

Qaraxaan gaarigiisa lala beegsaday Masuulkaasi ka tirsanaa Shaqaalaha dowladda ayaa imaanaya,iyadoo dhawaan Boolisku ay amar kusoo rogeen dadka u caddaaald doonta Maxkamadaha Al-Shabaab.kuwaasi oo Booliksu sheegeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid waliba oo la macaamisha dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Latest stories