HomeWararMasuul ka tirsan Maxkamadda Gobalka Banaadir oo Qarax lala-beegsaday

Masuul ka tirsan Maxkamadda Gobalka Banaadir oo Qarax lala-beegsaday

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax goordhawyed ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan meel u dhaw Madaxtooyada. Wararkii ugu dambeeyay ee ina soo gaaraya ayaa waxaa ay tilmaamayaan in Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyin iyo xaafado ka tirsan Caasimadda uu ka dhacay nawaaxiga kontroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada gaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax goordhawyed ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan meel u dhaw Madaxtooyada.

Wararkii ugu dambeeyay ee ina soo gaaraya ayaa waxaa ay tilmaamayaan in Qarax jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyin iyo xaafado ka tirsan Caasimadda uu ka dhacay nawaaxiga kontroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada gaar ahaan dhanka Seydka.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa lala beegsaday sida wararku sheegayaan Masuul ka tirsan Dowladda, kaasi oo la sheegay in Qaraxa gaarigiisa loogu xiray.

Masuulka la beegsaday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana lagu magacaabaa Musharaf Maxamed Macalin, kaasi oo la sheegay in uu ahaa Xoghayaha Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Banaadir.

Dhawaac Masuulka ayaa loo qaaday mid ka mid ah Cusbitaalada magaalada si loola tacaalo Xaaladdiisa Caafimaad, maddaama sida la sheegayo uu soo gaaray dhaawac aad u Culus.

- Advertisement -

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa isku socodka guud hakad galiyay Ciidanka ammaanka, inkastoo Qaraxaasi aaan lashaacin dad loo soo qabtay.

Qaraxaan gaarigiisa lala beegsaday Masuulkaasi ka tirsanaa Shaqaalaha dowladda ayaa imaanaya,iyadoo dhawaan Boolisku ay amar kusoo rogeen dadka u caddaaald doonta Maxkamadaha Al-Shabaab.kuwaasi oo Booliksu sheegeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid waliba oo la macaamisha dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts