HomeWararSoomaaliya iyo Malaysia oo iska kaashanaya dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Soomaaliya iyo Malaysia oo iska kaashanaya dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaa oo uu maanta ka furmayo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO  ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysiya , Dr; Wee Ka Siong. Wada-hadalka gaarka ah ayaa looga hadlay sida […]

- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaa oo uu maanta ka furmayo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO  ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysiya , Dr; Wee Ka Siong.

Wada-hadalka gaarka ah ayaa looga hadlay sida ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen adeegyada Gaadiidka iyo Duulista, iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Xasan.

- Advertisement -

“ Malaysiya , waa mid ka mid ah waddamada  aan dooneyno iskaashi miro-dhal ah inan kala yeelano horumarinta adeegyada Gaadiidka iyo Duulista , waxaana si wadajir ah u xaqiijinay muhiimada ay labada dal arrintaa u leedahay  Dr Wee Ka Siong. “ Wasiir Fardowsa , ayaa sidaa sheegtay.

Waxaa ay intaa ku dartay Dawladda Malaysiya inay Soomaaliya ka taageerrayso farsamada iyo khibrad -wadaag ay ku biirinayaan Hay’adda  Duulista Rayidka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka ee Malaysia , Dr Wee Ka Siong ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay mudnaan u siinayaan iskaashiga Soomaaliya ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

- Advertisement -

Inta uu socdo shir weynaha 41-aad ee Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO, ayaa kulan doceedyo waxaa ay Wasiir Fardowso , la yeelan doontaa qaar ka mid ah wasiirrada , wakiillada iyo ururrada 193 waddan ee xubnaha ka ah ICAO oo ka qeybgalaya shirka.

Latest stories