HomeWararMareykanka oo 700 Million oo doolar ku bixinaya wax ka qabashada Abaaraha...

Mareykanka oo 700 Million oo doolar ku bixinaya wax ka qabashada Abaaraha dalka ku dhuftay

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqay 700 malyan oo doolar si wax looga qabto abaaraha ka taagan dalka, oo haatan la sheegay inay marayaan marxalad aan caadi ahayn, iyadoo meelaha qaar laga soo sheegayo dhimasho ay sabab u tahay abaartu. Safaaradda dalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in deeqdaasi la gaarsiin doono dadka dhibaateysan, […]

- Advertisement -

Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqay 700 malyan oo doolar si wax looga qabto abaaraha ka taagan dalka, oo haatan la sheegay inay marayaan marxalad aan caadi ahayn, iyadoo meelaha qaar laga soo sheegayo dhimasho ay sabab u tahay abaartu.

Safaaradda dalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in deeqdaasi la gaarsiin doono dadka dhibaateysan, waxaana ka qayb qaadan doono Hay’adaha kala duwan ee horay gacanta uga gaysan jiray gar-gaarka iyo taakulaynta shacabka dhibaateysan.

- Advertisement -

Hay’adaha USAID iyo OCHA ayaa ka qeyb qaadanayaa sare u qaadidda howlaha gargaarka ah ee loo fidinayo shacabka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Dhibaatooyinka ka dhashay abaarta ba’an ee Soomaaliya ka taagan ayaa saamaynteeda maalin ba mid dhiillo leh laga soo sheegayaa, Halista ugu weyna waxay timid kaddib markii la waayey roobabkii di’i jirey afar xilli oo isku xiga.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta abaaraha Soomaaliya oo maraya marxalad aad u adag.

- Advertisement -

Gobolada ayaa la aaminsan yahay in dhammaan ay saameysay abaartu, waxaana meelaha qaar la sheegay in ay dad badani dhimasho qarka u saran yihiin, gaajo iyo harraad darti.

Sidoo kale dadka xoola dhaqatada ah ayaa ah kuwa sida daran ay u saameysay Abaarta ka jirta dalka, waxaana isi-soo taraya qayla dhaanta kasoo yeeraysa dadka Soomaaliyeed ee haatan la daala dhacaya dhibaatooyinka ay sababtay abaartu.

 

Latest stories