HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh “Somaliland kama aqbaleyno gooni isku taag nooc walba”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Somaliland kama aqbaleyno gooni isku taag nooc walba”

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrinta Somaliland iyo sida laga yeelayo gooni isku taagga maamulka Somaliland oo sheegta inay go’een Soomaaliya inteeda kale. Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeedinayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Washingto ayaa waxaa uu sheegay marka in siyaasadda Somaliland ay dowladda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrinta Somaliland iyo sida laga yeelayo gooni isku taagga maamulka Somaliland oo sheegta inay go’een Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeedinayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Washingto ayaa waxaa uu sheegay marka in siyaasadda Somaliland ay dowladda Soomaaliya ku dhaqmeyso ay tahay mid aan Colaad iyo faragelin laheyn.

- Advertisement -

Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha in marnaba aysan dowladda Federaalka Soomaaliya aqbaleynin in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale qaab kasta oo ay arrintaas ku timaado, isla markaana Somaliland ay walaalo la yihiin dowladda Federaalka.

“Annaga gooni isku taag nooc walba oo uu noqdo ma aqbaleyno, qaab kasta oo uu ku yimaado haddii ay ahaan laheyd dhaqaale ama horumarin, si cad ayaan u sheegeynaa ma ogolaan doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin wada-xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham, ayna xitaa u ogol yihiin inay iyaga soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobada heshiiska.

- Advertisement -

Gaba-gabadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maamulka Somaliland uga baaqay inay iska iloobaan fikradda gooni isku taagga oo uu ku tilmaamay mid dhaawaceyso midnimada Soomaaliya.

Latest stories