HomeWararMuuse Biixi oo Jawaab oo ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Muuse Biixi oo Jawaab oo ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Jawaab kulul ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in marnaba aysan aqbali doonin gooni isku taagga Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Burco ayaa waxaa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Jawaab kulul ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in marnaba aysan aqbali doonin gooni isku taagga Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Burco ayaa waxaa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay mid sii kordhiyaha caddaawad hor leh oo dhexmarta Soomaaliya iyo Somaliland.

- Advertisement -

Madaxweyne Biixi ayaa Carabka ku dhuftay in Madaxweyne Xasan iyo Nin jooga Magaalada Muqdisho aan waxba laga weydiin doonin gooni isku taagga Somaliland, isla markaana ay iyagu yihiin qaran madax bannaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh iyo Xamar nin joogo waxba laga weydiin maayo qaddiyadda Somaliland, 30 sanno qaran madax bannaan ayeynu nahay, hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sii kordhinayaa caddaawad” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Hadalkaa aad tiri cadaawadduu kordhinayaaa aqli xumana way tahay 30 sanno ayeynu kala maqneenee waxaa ka wanaagsanaa inaad tiraahdo oo ku leenahay laba dowladood oo jaar ah oo walaalo ah oo Soomaaliyeed ma ahaanaa”.

- Advertisement -

Hadalkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka uu sheegay in marnaba aysan dowladda Federaalka Soomaaliya aqbaleynin nooc kasta oo gooni isku taagga Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay inay diyaar u yihiin wada-xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham, ayna xitaa u ogol yihiin inay iyaga soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobada heshiiska.

Latest stories