HomeWararWararkii ugu danbeeyay Nabaddoono caan ahaa oo lagu dilay Qarax lala beegsaday

Wararkii ugu danbeeyay Nabaddoono caan ahaa oo lagu dilay Qarax lala beegsaday

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog oo ay ku dhinteen Nabaddoono caan ahaa ayaa xalay ka dhacay meel u dhow deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Nabaddoonada , kuwaasi oo kusii jeeday deegaanka Buq-aqable, waxaana ku […]

- Advertisement -

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog oo ay ku dhinteen Nabaddoono caan ahaa ayaa xalay ka dhacay meel u dhow deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Nabaddoonada , kuwaasi oo kusii jeeday deegaanka Buq-aqable, waxaana ku dhintay afar ruux oo saarnaa gaariga la qarxiyey, xilli uu marayay duleedka deegaankaasi.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay saddex Nabaddoon iyo wiil uu dhalay mid kamid ah Nabaddoonadaas ayaa ku dhintay qaraxa lala beegsaday gaariga saarnaayeen, qaar kamid ah Ehelada dadkaasi ayaa gaaray goobta kana qaaday Meydadka oo Maanta la aasayo.

Nabaddoonada qaraxa ku dhintay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax, Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow, Nabadoon Mukhtaar Xaaji iyop Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, kuwaasi oo kusii jeeday deegaanka Buq-aqable.

Si kastaba Qaraxyo khasaaro dhaliyey ayaa dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo lala eegtay gaadiid ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadooda.

Latest stories