HomeWararDowladda oo War kasoo saartay xubno lagu qabtay howlgal laga fuliyey Muqdisho

Dowladda oo War kasoo saartay xubno lagu qabtay howlgal laga fuliyey Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka fuliyeen qeybo kamid ah Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal habeen hore Ciidanka NISA ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabtay 10 xubnood […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka fuliyeen qeybo kamid ah Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal habeen hore Ciidanka NISA ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabtay 10 xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas oo ay wateen xubnaha la qabtay, iyagoona intaas kusii daray inay la wareegeen saddex guri oo ay daganaayeen, isla markaana la fashililyay howlgal ay damacsanaayeen inay fuliyaan.

“Ciidamada ayaa burburiyay shabakadan Al-shabaab oo qorsheynayay falal amni darro oo ay ku doonayaan inay ku qalqal galiyaan caasimadda, isla markaana ay shacabka ku dhibaateeyaan” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ‘ka go’an tahay la-dagaalanka Al-shabaab,   iyada oo uga mahadcelineysay shacabka Soomaaliyeed xogta ay la wadaageen, waxayna ugu baaqday dhalinyarada ka tirsan Shabaabka inay isku soo dhiibaan dowladda, waa sida la yiri.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts