HomeWararDowladda oo sheegtay in gacanta lagu dhigay xubno falal ka geysan rabay...

Dowladda oo sheegtay in gacanta lagu dhigay xubno falal ka geysan rabay Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kusoo qabtay xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka NISA fulisay lagu qabtay xubno Shabakad ah oo ka tirsan Al-shabaab […]

- Advertisement -

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kusoo qabtay xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka NISA fulisay lagu qabtay xubno Shabakad ah oo ka tirsan Al-shabaab iyo hubkii ay wateen, sidoo kalena gacanta lagu dhigay Mooto Bajaaj ay wateen.

- Advertisement -

SONNA oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan NISA ayaa intaas kusii dartay in  xubnaha la qabtay inay qorsheysanayeen inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho, faah faahin intaas ka badan lagama bixin howlgalka laga fuliyay Muqdisho.

“Ciidamada ammaanka ayaa howlgalkaan sameeyay ka dib markii ay heleen xogo dhamaystiran, waxaana wali jira xubno Al-shabaab ay oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka” ayaa lagu yiri Qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo dhawaan Magaalada caasimadda ah Muqdisho ka dhaceen dilal qorsheysan iyo weeraro loo adeegsaday Bambooyin oo lagu qaaday Saldhigyo Ciidanka Booliska dowladda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Latest stories