HomeWararDowladda oo sheegtay in gacanta lagu dhigay xubno falal ka geysan rabay...

Dowladda oo sheegtay in gacanta lagu dhigay xubno falal ka geysan rabay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kusoo qabtay xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka NISA fulisay lagu qabtay xubno Shabakad ah oo ka tirsan Al-shabaab […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa howlgal ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kusoo qabtay xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka NISA fulisay lagu qabtay xubno Shabakad ah oo ka tirsan Al-shabaab iyo hubkii ay wateen, sidoo kalena gacanta lagu dhigay Mooto Bajaaj ay wateen.

- Advertisement -

SONNA oo soo xiganeysa sarkaal ka tirsan NISA ayaa intaas kusii dartay in  xubnaha la qabtay inay qorsheysanayeen inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho, faah faahin intaas ka badan lagama bixin howlgalka laga fuliyay Muqdisho.

“Ciidamada ammaanka ayaa howlgalkaan sameeyay ka dib markii ay heleen xogo dhamaystiran, waxaana wali jira xubno Al-shabaab ay oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka” ayaa lagu yiri Qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo dhawaan Magaalada caasimadda ah Muqdisho ka dhaceen dilal qorsheysan iyo weeraro loo adeegsaday Bambooyin oo lagu qaaday Saldhigyo Ciidanka Booliska dowladda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts