HomeWararTaliye Odawaa oo ka hadlay howlgal Ciidanka DANAB ku burburiyeen Saldhig weyn

Taliye Odawaa oo ka hadlay howlgal Ciidanka DANAB ku burburiyeen Saldhig weyn

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ayaa xalay degaanka Buqa-qable ee Gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas laga fuliyey Buqa-qable lagu bartilmaameedsaday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ayaa xalay degaanka Buqa-qable ee Gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas laga fuliyey Buqa-qable lagu bartilmaameedsaday Saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi

- Advertisement -

Taliye Odawaa ayaa waxaa uu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay ugu yaraan 18 dagaalame kana tirsanaa Al-shabaab oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen Ciidanka DANAB, waa sida uu hadalka  u dhigay Taliyaha.

Sidoo kale Wararka SONNA ayaa intaas kusii dartay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buqa-qable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Gobolka Hiiraan ka socday howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab, waxaana sidoo kale Gobolkaas ka dhacay dagaalo khasaaro badan geystay oo dhexmaray Ciidanka dowladda, kooxda macwiisleyda iyo Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts