HomeWararCiidanka Dowladda oo kala dhex-galay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Sh/Dhexe

Ciidanka Dowladda oo kala dhex-galay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala dhex-galay laba maleeshiyo beeleed oo dagaal khasaaro dhaliyey ku dhexmaray deegaano hoostega degmooyinka Raaga-ceellle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada kala dhex-galay maleeshiyaadka dirirtu dhexmartay ayaa ku guuleystay inay joojiyaan dagaalkii socday, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid hanti intaba, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala dhex-galay laba maleeshiyo beeleed oo dagaal khasaaro dhaliyey ku dhexmaray deegaano hoostega degmooyinka Raaga-ceellle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada kala dhex-galay maleeshiyaadka dirirtu dhexmartay ayaa ku guuleystay inay joojiyaan dagaalkii socday, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid hanti intaba, kadib markii guryo la gubay.

- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday dadaalo lagu doonayo in lagu kala qaaday maleeshiyaadka dagaalamay, isla markaana labada dhinac la isku keeno, si loo heshiisiiyo, kwaasi oo isku dagaalkooda salka ku haayay arrimo muran dhul.

In ka badan 15 qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaaladii dhacay, halka tirro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada loo soo qaaday Isbitaalo ku yaalla Magaalada Muqdisho, sidoo kalena waxaa la gubay guryo.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu wax la xumaado ku tilmaamay dagaal beeleedkii ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoona ku baaqay in Colaada la joojiyo.

- Advertisement -

Si kastaba deegaano hoostega degmooyinka Raaga-ceellle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa sidaan oo kale dhowr jeer uga dhacay dagaal beeleedyo dhaliyey khasaaro kala duwan, waxaana inta badan dilalka ay salka ku haayeen dilal la xiriiray aano beeleed iyo murano dhuleed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts