HomeWararMillateriga Soomaaliya oo la wareegay degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Sh/dhexe

Millateriga Soomaaliya oo la wareegay degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Sh/dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidanka Millateriga Soomaaliya ayaa la wareegay degaanno hor leh oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka aynu helayno. Wararkii ugu dambeeyay ee ina-soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidanka Millateriga Soomaaliya oo kaashanaya kooxda Macawislayda ay la wareegeen degmada fiidow, oo dhacda Xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Millateriga Soomaaliya ayaa la wareegay degaanno hor leh oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka aynu helayno.

Wararkii ugu dambeeyay ee ina-soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidanka Millateriga Soomaaliya oo kaashanaya kooxda Macawislayda ay la wareegeen degmada fiidow, oo dhacda Xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabelle.

- Advertisement -

Ciidanka Millateriga ayaa la sheegay in howgal Qorsheysan ay ku qaadeen degmadaasi iyo degaanno kale oo hoos yimaada, waxaana ka mid ah degaanada kale ee Ciidanku qabsadeen Degaanka Xararlugoole, kaasi oo ka mid ah degaanada Hoos yimaada Degmada Fiidow.

Saraakiisha horkacaysa dagaalka ayaa sheegay in Xalay saq-barkii ay qaadeen howlgal Culus oo ay doonayeen inay ku qabsadaan degmadaasi, waxaana intaas ay ku dareen in ay gacanbta ku hayaan degaanadii ay xalay weerarka ku ekeeyeen.

Mid ka mid ah Saraakiisha horkacaysa dagaalkaasi ayaa Sheegay  inay Saakay Ciidamada Dowladda Gudaha u galeen Fiidow iyo Xararlugoole kadib Markii Xalay  Ciidamadu hareeraha ay ka dageen, degaakaasi.

- Advertisement -

Sidoo kale Sarkaalkaasi ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa inta ku daray in Howlgalku ahaa mid qorsheysan oo ay doonayeen inay kula wareeegaan degmada iyo degaanno kale oo hoos yimaada, waxaana goobaha ay qabsadeen uu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah Howgalada ay ka wadaan Gobolkaasi.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts