HomeWararDowladda Soomaaliya oo baaq u dirtay Beelo ku dagaalamay Gobolka Sh/dhexe

Dowladda Soomaaliya oo baaq u dirtay Beelo ku dagaalamay Gobolka Sh/dhexe

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS ayaa Baaq Nabadeed u dirtay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay qaybo ka mid ah deegaannada hoos yimaada Raagaceele iyo degmada Cadale. Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu yiri:- Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS waxaa ay Baaq Nabadeed u direysaa Walaalaha ku Dagaalamay qaybo ka mid […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS ayaa Baaq Nabadeed u dirtay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay qaybo ka mid ah deegaannada hoos yimaada Raagaceele iyo degmada Cadale.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu yiri:-

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS waxaa ay Baaq Nabadeed u direysaa Walaalaha ku Dagaalamay qaybo ka mid ah deegaannada hoos yimaada Raagaceele iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeelada dhaxe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Sidoo kale waxaa ay Wasaaraddu ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, iyo Waxgaradka deegaanka inay ka shaqeeyaan joojinta colaadda dhax martay walaalaha labadaasi deegaan.

Ugu Dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS waxay si gaar ah ugu boorineysaa walaalaha ay dirirtu dhax martay inay is xakameeyaan, kana fogaadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay Joojiyaan.

- Advertisement -

 

Latest stories