HomeWararDagaalo saacado badan socday oo ka dhacay duleedka Maxaas & khasaaro ka...

Dagaalo saacado badan socday oo ka dhacay duleedka Maxaas & khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Dagaalo saacado badan qaatay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan duleedka ah degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraann ee Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo u dhexeeyay dadka deegaanka oo is abaabulay iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Dagaalkaan oo si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Ceeleey ayaa waxaa la isku adeegsanayey inta uu socday hubka noocyadiisa kala […]

- Advertisement -

Dagaalo saacado badan qaatay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan duleedka ah degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraann ee Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo u dhexeeyay dadka deegaanka oo is abaabulay iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkaan oo si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Ceeleey ayaa waxaa la isku adeegsanayey inta uu socday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada.

- Advertisement -

Dad ayaa soo weriyey in ugu yaraan 10 ruux oo dhinacyada ah ay ku dhinteen dagaalkii dhacay, halka tirro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana weli xaaladda deegaanka Ceeleey ay tahay mid ka jirto xiisad dagaal  oo xaaladda ay tahay mid kacsan.

Tan iyo markii maalmo kahor Al-shabaab dad la sheegay inay shacab ahaayeen ku dishay inta u dhexeeysa Magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas, ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ka bilowday gulufka dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.

Si kastaba Gobolka Hiiraan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kooxda Macwiileyda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab, waxaana dagaalada ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Latest stories