HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii 9-aad ugu baxayo dalka dibadiisa & ujeedka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii 9-aad ugu baxayo dalka dibadiisa & ujeedka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay ka dhoofaan Magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeda magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey socdaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku aadayo magaalada Jeddah, waxaana ujeedkiisa uu yahay ka qeyb galka shirka Golaha Badda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay ka dhoofaan Magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeda magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey socdaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku aadayo magaalada Jeddah, waxaana ujeedkiisa uu yahay ka qeyb galka shirka Golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ka furmaya Magaaladaas.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Jeddah waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madax ka tirsan Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ka wada hadli doonaan Arrimo kala duwan.

Sacuudiga ayaa sanadkii 2020 aas-aasay Gole ay ku mideysan yihiin dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Masar, Jordan, Eritrea, Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sacuudiga ayaa noqon doonta dalkii 9-aad ee uu booqdo Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay 15 May kadib Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania, Masar iyo Uganda.

Latest stories