HomeWararGolaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Somalia

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Somalia

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan gaar ah ka yeelanayaan Xaaladda Soomaaliya, xili dalka ay ka jirto abaaro baahsan oo saameysay dadka kunool Gobolada dalka. Kulanka oo looga arrinsanayo Xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa warbixin looga dhagaysan doonaa Wakiillo kala duwan oo ka kala socda Qaramada Midoobay iyo Howlgalka […]

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan gaar ah ka yeelanayaan Xaaladda Soomaaliya, xili dalka ay ka jirto abaaro baahsan oo saameysay dadka kunool Gobolada dalka.

Kulanka oo looga arrinsanayo Xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa warbixin looga dhagaysan doonaa Wakiillo kala duwan oo ka kala socda Qaramada Midoobay iyo Howlgalka ATMIS, sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa warbixin ka siin doona kulanka Golaha Ammaanka, iyadoo dhinacyo dhowr ah lagu faaqidi doono warbixinta.

Sidoo kale waxaa kulankaasi qayb ka noqon doona, oo isna dhankiisa Warbixin laga dhageysan doonaa Madaxa Howlgalka ATMIS, iyadoo si toos ah loo daawan doono 5:00 galabnimo xilliga Muqdisho.

Golaha Ammaanka ayaa kordhiyay kulamada gaarka ah ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya, bilihii ugu dambeeya ee fadhiyadaas dhaceen waa 6dii bil ugu horreysay ee sanadkaan 2022.

Latest stories