HomeWararSeddex Gabdhood oo Walaalo ah oo hal goob lagu dilay iyo Booliska...

Seddex Gabdhood oo Walaalo ah oo hal goob lagu dilay iyo Booliska oo Baaritaan wada

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Saddex gabdhood oo yar yar, ayaa dhintay ka dib rabshad ka dhacday guri ku yaalla Tallaght, ee magaalada Dublin ee caasimadda jamhuuriyadda Ireland, Garda Síochána, oo ah ciidamada booliiska Irish-ka, ayaa sidaasi soo gudbiyey. Booliiska ayaa loogga wacay goobta uu shilku ka dhacay ee Rossfield estate, abbaarihii 00:30 wakhtiga maxaliga ah ee maanta aroortii oo […]

- Advertisement -

Saddex gabdhood oo yar yar, ayaa dhintay ka dib rabshad ka dhacday guri ku yaalla Tallaght, ee magaalada Dublin ee caasimadda jamhuuriyadda Ireland, Garda Síochána, oo ah ciidamada booliiska Irish-ka, ayaa sidaasi soo gudbiyey.

Booliiska ayaa loogga wacay goobta uu shilku ka dhacay ee Rossfield estate, abbaarihii 00:30 wakhtiga maxaliga ah ee maanta aroortii oo Axad ah.

- Advertisement -

Saddexda gabdhood ee walaalaha ah, ayaa loo qaaday isbitaalka caafimaadka carruurta ee Ireland ee Crumlin, laakiin markii dambe ayaa la sheegay iney dhinteen.

Wiil dhalinyaro ah, oo qana dhaawacyo halis ah, iyo hooyada dhashay carruurta oo aanu dhaawac soo gaarin, ayaa sidoo kale isbitaalka ku jira.

Dhaawaca wiilkan dhalinyarada ah, ayaa la rumeysan yahay inuu halis ku yahay noloshiisa.

- Advertisement -

Nin 20 jir ah ayaa goobta lagu qabtay, waxaana hadda lagu hayaa Saldhigga xaafadda Tallaght Garda. Booliisku ayaa waxay sheegeen inuu u adeeg sadeen qabashada ninkan 20 jirka ah qalab gaar ah.

Latest stories