HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Magaalada Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo watay Bastoolad oo fiidnimadii xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Baanbeyda Soomaaliyeed. Goobjoogayaal ayaa waxaa ku warrameen in Sarkaalka la toogtay, xilli uu kasoo baxayay Masjid uu ku tukaday Salaadii Cishaha, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo watay Bastoolad oo fiidnimadii xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa loo yaqaano Baanbeyda Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ku warrameen in Sarkaalka la toogtay, xilli uu kasoo baxayay Masjid uu ku tukaday Salaadii Cishaha, waxaana marka hore soo gaaray dhaawac halis ah oo keenay in loola cararo Isbitaal, balse markii dambe ayuu Isbitaalka ku dhintay.

- Advertisement -

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ibraahim Ciid oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed, waxaana goobta uu falka ka baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas oo aan heyntooda la garan.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sida caadada aheyd goobta gaaray, iyagoona sameeyay howlgal lagu baadi goobayay kooxihii dilkaas u geystay Marxuum Cabdi Ibraahim, mana jirto cid loo qabtay falkaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho, habeen ayaa waxaa degmada Kaaraan qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Siyaasadda ee Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts