HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog. Qaraxa ayaa waxaa lagu aasay afaafka hore ee Guriga uu xaafadda Siinaay ee Kismaayo ka degan yahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog.

Qaraxa ayaa waxaa lagu aasay afaafka hore ee Guriga uu xaafadda Siinaay ee Kismaayo ka degan yahay Abaanduulihii hore ee Ciidanka Jubbaland, jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada, kadibna waxaa xigay rasaas ay fureen Ciidamo.

- Advertisement -

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaar kamid ah Carruurta uu dhalay Abaanduulihii hore ee Ciidanka Jubbaland ay ku dhinteen qaraxa, xilli ay ku sugnaayeen Guriga, halka isaga uu dhaawac fudud gaaray, lana geeyay Xarun Caafimaad.

Ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa howlgalo baaritaano ah ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Magaalada, in kastoo aysan Saraakiisha ammaanka Maamulka ka hadlin howlgalka iyo qaraxii xalay ka dhacay Magaaladaas.

Kismaayo oo ah Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa xilliyada qaarkood ka dhaca qaraxyo miinooyin ah iyo dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan, Al-shabaab ayaa sheegta qaraxyada iyo falalka amni darro ee halkaas ka dhaca.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts