HomeWararMW Xasan Sheekh “Hadraawi waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed”

MW Xasan Sheekh “Hadraawi waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka hal-abuurka  Soomaaliyeed, door weynna ka soo qaatay ilaalinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka hal-abuurka  Soomaaliyeed, door weynna ka soo qaatay ilaalinta dhaqanka, horumarinta afka iyo suugaanta, waxa uuna ku tilmaamay astaan midnimo iyo nabadeed, oo geeridiisa laga dareemayo guri kasta oo Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi),  Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka dadka Somaaliyeed, waxa uu wakhtigiisii iyo hibadiisa hal-abuur u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka colaadaha iyo tafaraaruqa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka murugeysan geerida naxdinta leh ee Abwaanka ayaa tilmaamay socdaalkii nabadda ee taariikhiga ahaa, oo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) uu ku maray dalka xilli dadka Soomaaliyeed ay ka quusteen wax-wada lahaansho, midnimo iyo dowladnimo.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)  waxa ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan Keydka suugaanta, taariikhda iyo falsafadda jiritaanka umadeed ee uu uga tagay, waxayna Alle uga rajaynayaan in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts