HomeWararShaqada sawir qaadista waxa ay ka sahlan tahay shaqooyinkii aan qaban jiray...

Shaqada sawir qaadista waxa ay ka sahlan tahay shaqooyinkii aan qaban jiray (Warbixin)

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Nasteexo Cumar Ibraahim waxay horaantii bishii shanaad ee sanadkan 2022-ka ka mid noqotay dhalinyarada ku shaqeysata xirfada sawir qaadista kuwaasi oo si joogta ah u tago bar-kulanada bulshada gaar ahaan meelaha loo damaashaad tago, sida beerta Nabadda, Beerta Banaadir, Liido iyo Goobo kale oo Muqdisho ah, waxa ay ka baraneysay xirfadan 3 bil xarunta horumarinta […]

- Advertisement -

Nasteexo Cumar Ibraahim waxay horaantii bishii shanaad ee sanadkan 2022-ka ka mid noqotay dhalinyarada ku shaqeysata xirfada sawir qaadista kuwaasi oo si joogta ah u tago bar-kulanada bulshada gaar ahaan meelaha loo damaashaad tago, sida beerta Nabadda, Beerta Banaadir, Liido iyo Goobo kale oo Muqdisho ah, waxa ay ka baraneysay xirfadan 3 bil xarunta horumarinta qoyska ee guryosamo si bilaash ah.

Nasteexo oo ah hooyada qoys ka koban shan-caruur, ah waxa ay u dooratay shaqadan in tahay mid ka nafci wanaagsan kana waqti fiican shaqooyinkii ay ka shaqeyn jirtay, dhaqaalaha ay ka hesho waxa ay ku maareysaa nolosha qoyskeeda maadaama ay kala tageen ilmaha Aabahooda.

- Advertisement -

 Waxa aan ku doortay shaqadan waa mid fudud waqtiga aad rabto ayaa qabaneysaa waana sababta aan u jecleysanayo ka shaqeynteeda, waxa aan waqti u helaa koriimada carruurteyda waxa aan ku dareemayaa xoriyada sidaasi waxaa tiri Sawir qaade Nasteexo.

Nasteexo waxa ay ka mid tahay gabdhaha faro ku tiriska ah ee ku shaqeysto sawir qaadista kahore shaqadan waxa ay aheyd nadiifiye ka shaqeyn jirtay hotel iyo goobo kale,waxa ay u sheegtay Bilan Media “in ay dhibaato badan kala kulmi jirtay shaqooyinkii hore, sida in aan la siin fasax ama laga aqbalin wax cudur daar ah xitaa haddii ay jiraan daruufo adag”

Waxa ay shaqeysaa maalin waliba iyada oo saacado kooban ka shaqeyso, waxa ay daqli ahaan u heshaan maalinkii $ 5-10 marmarka qaarna ka badan ayay shaqeysaa Maadaama 3-dii sawir ama labadii sawir ay tahay $ 1, dhaqaalaha ay ka hesho shaqada sawir qaadista waxa ay uga bixisaa waxbarashada labo ka mid ah caruurteeda.

- Advertisement -

Soo dhaweynta ay kala kulanto dadka ay sawirka ka qaadeyso ee ka kooban raga iyo dumarka ayaa kala duwan, Gabdhaha yimaada beerta Banaadir qaarkood waxa ay doortaan in sawirka ay ka qaado halkii ay wiilshada ka qaadi lahaayeen, Nasteexo ayaa tiri “in ay ii doortaan sawir qaadahooda waxa aan ka helaan dhiiro galin”

Sawir qaade Nasteexo waxa ay shaqadan kala kulantaa dhibaatooyin aan badneyn, oo dhanka farsamada iyo la macaamiilka dadka ay sawirada ka qaado, “waxa ay sheegtay in dadka qaar ay sawirada soo cel celiyaan, ilaa ay ka helaan sawiro ay ku qancaan, si ka duwan qaar ayaa ku farxo sawirada aan ka qaado.

Nasteexo ayaa tilmaamtay in bilowgii hore ee shaqada ay dadka u diri jirtay sawirrada iyadaoo aan ka qaadin, marka ay helaan sawiradooda ma bixin jirin lacagta oo dad badan ayaan isiinin lacagta, oo xitaa telka iga dansaday, balse markii aan fahmay shaqada waxa aan ka qaadaa lacagta ka dib ayaa u diraa sawiradooda.

Waxa uu yahay hadafkeyga in aan soo saaro haween kale oo ku shaqeyso xirfada sawir qaadista maadaama aysan hadda jirin sidaasi waxaa tiri Nasteexo Cumar.

Nasteexo Cumar Ibraahim waa haweeneyda kaliya ee sawir qaade ka ah beerta Banaadir oo ka mid ah meelaha ay dadka u tagaan in ay sawira isaga soo qaadaan ama ku soo nastaan, waxa ay taasi u abuurtay fursad ay ku heli karto dad badan ayay ka qaado sawirada, xili ay ka barbar shaqeeyaan rag sawir qaadayaal ah oo badankooda ku xurmeeya shaqada ay heyso.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories