HomeWararKooxo Hubeysan oo dad Shacab ah ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose

Kooxo Hubeysan oo dad Shacab ah ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dad shacab ah oo kooxo huybeysan ay Xalay ku rasaaseeyeen Tuulo hoostagta degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose. Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo mooto watay ay rasaas oodda kaga qaadeen Xaflad Aroos ah oo ay dad badani ku sugnaayeen, waxaana ka dhashay khasaaro badan oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dad shacab ah oo kooxo huybeysan ay Xalay ku rasaaseeyeen Tuulo hoostagta degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo mooto watay ay rasaas oodda kaga qaadeen Xaflad Aroos ah oo ay dad badani ku sugnaayeen, waxaana ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Waxaana weerarkaasi uu ka dhacay Tuulada Caadley oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

7 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rasaastaasi ay fureen kooxaha hubeysan ee weeraray guriga uu Aroosku ka socday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay  ku dhawaad 20 ruux.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaas ayaa dhaawacyadooda waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad oo qaarkood ay tahay mid aad u liidata.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee kooxahaasi hubeysan ay dadka u laayeen, balse warar hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in arrintu ay la xariirto aano qabiil, wallow aysan caddeyn.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahayd sida wararka aynu ku helnay Hooyo Xaamilo ah iyo Gabar ay habaryar u tahay.

Wali maamulka Gobolka iyo hay’adaha ammaanku wax war ah kama soo saareen arrintaasi, lamana oga-sababta rasmiga ah ee loo laayay dadkaasi shacabka ahaa ee ku sugnaa xafladda Arooska.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts