HomeWararFaaf faahin: dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay...

Faaf faahin: dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Gobalka Hiiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya agaal culus oo Gobolka Hiiraan ku dhex-maray dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo garab ka helaya ciidamada dowladda, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkasi. Wararka waxaa ay tilmaamayaan Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo garab ka helaya ciidamada dowladda uu dagaal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya agaal culus oo Gobolka Hiiraan ku dhex-maray dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo garab ka helaya ciidamada dowladda, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkasi.

Wararka waxaa ay tilmaamayaan Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo garab ka helaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhex-maray deegaanka Fiiq-fiiq oo u dhaxeeya Takaraale iyo Libile isla markaana hoostaga degmada Matabaan ee Waqooyinka Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa haa mid xooggan, waxaana wararku ay tilmaamayaan in uu ka dhashay khasaare xooggan oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray.

Dadka degaanka aaa soo sheegaya in ay maqlayeen dhawaqa rasaas xooggan oo labada dhinac ay isu-adeegsanayeen.

Sidoo kale wararku waxaa ay sheegayaan in isla Gobolkaasi uu dagaal ku dhex-maray Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowladda, gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad Danab iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha iyo Ciidanka la socday ayaa ayaa la sheegay in dagaal uu ku qabsaday deegaanka Hees oo hoostaga degmada Matabaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan, oo labada dhinac ay saacado ku dagaalamayeen, sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashayd gaalkaasi, waxaana adag in la ogaado khasaaraha, sidoo kale saraakiisha Ciidanka hoggaaminaysa wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi, balse wararka ayaa tilmaamaya in dagaalkaasi uu khasaaro ka dhashay, maaddama uu ahaa dagaal xooggan.

Gobolka Hiiraan dhawaanahaan waxaa ka dhacayay dagaallo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Macawisleyda oo isku dhinaca iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts