HomeWararAbaaraha ka jira Soomaaliya oo maraya Heerkii ugu Adkaa

Abaaraha ka jira Soomaaliya oo maraya Heerkii ugu Adkaa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Abaaraha xooggan ee ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa haatan maraya heerkii ugu adkaa sida ay sheegeen Qaramada midoobay iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya. Goobaha ay sida ba’an ugu habsatay abaartu lagana soo sheegayo macaluul ayaa waxaa ka mid ah gobollada degaanno ka tirsan maamullada Jubbaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle Galmudug […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Abaaraha xooggan ee ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa haatan maraya heerkii ugu adkaa sida ay sheegeen Qaramada midoobay iyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Goobaha ay sida ba’an ugu habsatay abaartu lagana soo sheegayo macaluul ayaa waxaa ka mid ah gobollada degaanno ka tirsan maamullada Jubbaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle Galmudug iyo qeybo ka mid ah Puntland.

- Advertisement -

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo bilihii ugu dambeeyay waday safarro la xiriira u kuurgalka abaaraha dalka ayaa sheegay in xaaladdu ay marayso heerarkii ugu xumaa loona baahan yahay gurmad deg-deg ah

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dabayaaqadii Todobaadkan booqday xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay jiraan dad u badan carruur, haween iyo da’aad u jilicsan, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuu ayaa horay safarro u kuurgal ah ugu tagay barakacayaal ku jira xeryo ku yaalla inta badan maamullada uu dalku ka kooban yahay, isagoo sheegay inay heerka baahidu tahay mid aad u daran, macaluulna ay ka jirto degaannada qaar.

- Advertisement -

Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale dhowaan sheegay inay degaanno hor leh oo ka tirsan Shabeellada dhexe iyo Hiiraan ay ku fidday abaartu, wuxuuna maamulku sheegay inay jiraan xeryo barakac cusub ah oo haatan ka samaysmay duleeddada magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne, kuwaas oo u baahan in gargaar lala gaaro.

Abaarta haatan ka jirta Soomaaliya oo ay sababeen dhowr xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in, fatahaado soo laalaabtay iyo Ayax baabi’iyay dalagyadii la tacbaday, colaado iyo sicir barar ayaa ah mid saamaynteedu ay kusii fideyso degaanno hor leh.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Muqdisha ayaa sheegay dhowaan in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay , taas oo saameeysay in ka badan 7-milyan oo qof, ayna ku barakaceen dad kor u dhaafaya 900,000 oo qof.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts