HomeWararGaari ay saarnaayeen Dad shacab ah oo Miino kula Qaraxday degaan ka...

Gaari ay saarnaayeen Dad shacab ah oo Miino kula Qaraxday degaan ka tirsan Mudug

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Wararka aan ka heleyno degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo saarnaa gaari nooca Probox-ka.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa uu ka dhashay haraagii hubkii dagaaladii Soomaliya iyo Itoobiya iyo kii Jabhadihii ay Dawladda Soomaliya is hayeen, waxaana qaraxa uu gaariga ku qabsaday degmada Galdogob, xilli uu marayey waddo ku taalla halkaas.

Inta la xaqiijiyay darawalkii gaariga ayaa geeryooday qaraxa, halka dad kale oo gaariga la socday ay dhaawacyo kala duwan gaareen, isla markaana waxaa dadka waxyeelada soo gaartay loola cararay Xarun Caafimaad, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

Guddoomiyaha degmada Goldogob, Cabdiqafaar Sheekh Ibaahim ayaa gaarey goobtu falka ka dhacay, isagoo tacsi u diray qoyska darawalkii dhintay, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu  baaq u diray hay’addaha miino baarayaasha ka shaqeeya in ay si rasmi ah uga shaqa bilaabaan degmada Galdogob, oo ah halka ay ku aasanyihiin inta badan Miinooyinkii ay aaseen Ciidamadii dirirtu dhexmartay ee Soomaaliya iyo Ethiopia sanadkii 1977 iyo kuwii ka dambeeyey.

Si kastaba ha’ahaatee Dhacdadaan qaraxa ka dhashay haraagii hubkii dagaaladii Soomaliya iyo Itoobiya iyo kii Jabhadihii ay Dawladda Soomaliya is hayeen ayaa noqonaysa tii Afraad labadii sano ee u dambeysay ee degaanka ka dhacda .

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories