HomeWararWasiir Cabdiraxmaan Beyle oo looga yeeray xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka

Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo looga yeeray xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta gaar ahaan qeybta qaabilsan danbiyada lidka ku ahaa maaliyadda iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer ilaalinta. Si rasmi ah looma ogo eedeymaha loo heysto Wasiirka, balse xeer ilaalinta waxay sheegtay in wax laga weydin doono […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta gaar ahaan qeybta qaabilsan danbiyada lidka ku ahaa maaliyadda iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer ilaalinta.

Si rasmi ah looma ogo eedeymaha loo heysto Wasiirka, balse xeer ilaalinta waxay sheegtay in wax laga weydin doono Arrimo la xiriira maaliyadda uu xafiiska Baaristiisa wado, sidaasi ayaa lagu sheegay Warqad kasoo baxday xafiiska xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

- Advertisement -

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayey xee Ilaalinta ka rajeysay inuu waqtiga ilaalin doono, isla markaana xafiiska xeer ilaalinta tago maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bishaan, iyadoona Wasiir la weydiin doono Su’aalo kala duwan.

U yeerida Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa la Ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray xafiiska xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka

- Advertisement -

 

Latest stories