HomeWararPuntland oo Maanta xukun ku riday Maxaabiis dishay Maxbuus ku xirnaa xabsi

Puntland oo Maanta xukun ku riday Maxaabiis dishay Maxbuus ku xirnaa xabsi

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda darajada koowaad ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa Maanta oo Axad ah xukun ku riday shan maxaabiis oo loo heysto inay dil u geysteen Nin Maxbuus ahaa oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaaladaas. Maxkamadda Qardho ayaa shanta eedeysane ee loo heysto dilkii ay u geysteen Sharmaake Warsame Nuux ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda darajada koowaad ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa Maanta oo Axad ah xukun ku riday shan maxaabiis oo loo heysto inay dil u geysteen Nin Maxbuus ahaa oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaaladaas.

Maxkamadda Qardho ayaa shanta eedeysane ee loo heysto dilkii ay u geysteen Sharmaake Warsame Nuux ku xukuntay min saddex sano oo xabsi iyo in ay bixiyaan magta marxuumka oo u dhiganta 100 halaad, kuwaasi oo qirtay dilkaas loo heysto.

- Advertisement -

Garsooraha Maxkamadda darajada koowaad ee Qardho ayaa caddeeyay in dilka dhacay uu ahaa kas u’eke” sidaas darteedna loo khafiifiyay eedeysanayaasha oo Maxaabiis ah, kuwaasi dilay Sharmaake Warsame oo kamid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga Qardho.

Qoyska dhalay marxuumka Sharmaake Warsame Nuux ayaa rafcaan ka qaatay go’aanka Maxkamadda ah ku dhawaaqday, iyagoona ku timaamay Go’aankaas mid aan caddaalad ku dhisnayn.

Sharmaake Warsame ayaa la xaqiijiyay inuu u dhintay jirdil loo geystay, xili uu ku xirnaa xabsiga Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, waxaana dhowr jeer oo horey Maxkamadda la horkeeday eedeysanayaasha la xukumay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts