HomeWararPuntland oo Maanta xukun ku riday Maxaabiis dishay Maxbuus ku xirnaa xabsi

Puntland oo Maanta xukun ku riday Maxaabiis dishay Maxbuus ku xirnaa xabsi

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Maxkamadda darajada koowaad ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa Maanta oo Axad ah xukun ku riday shan maxaabiis oo loo heysto inay dil u geysteen Nin Maxbuus ahaa oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaaladaas. Maxkamadda Qardho ayaa shanta eedeysane ee loo heysto dilkii ay u geysteen Sharmaake Warsame Nuux ku […]

- Advertisement -

Maxkamadda darajada koowaad ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa Maanta oo Axad ah xukun ku riday shan maxaabiis oo loo heysto inay dil u geysteen Nin Maxbuus ahaa oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaaladaas.

Maxkamadda Qardho ayaa shanta eedeysane ee loo heysto dilkii ay u geysteen Sharmaake Warsame Nuux ku xukuntay min saddex sano oo xabsi iyo in ay bixiyaan magta marxuumka oo u dhiganta 100 halaad, kuwaasi oo qirtay dilkaas loo heysto.

- Advertisement -

Garsooraha Maxkamadda darajada koowaad ee Qardho ayaa caddeeyay in dilka dhacay uu ahaa kas u’eke” sidaas darteedna loo khafiifiyay eedeysanayaasha oo Maxaabiis ah, kuwaasi dilay Sharmaake Warsame oo kamid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga Qardho.

Qoyska dhalay marxuumka Sharmaake Warsame Nuux ayaa rafcaan ka qaatay go’aanka Maxkamadda ah ku dhawaaqday, iyagoona ku timaamay Go’aankaas mid aan caddaalad ku dhisnayn.

Sharmaake Warsame ayaa la xaqiijiyay inuu u dhintay jirdil loo geystay, xili uu ku xirnaa xabsiga Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, waxaana dhowr jeer oo horey Maxkamadda la horkeeday eedeysanayaasha la xukumay.

Latest stories