HomeWararLafta-gareen oo Guddoomiye iyo maamul cusub u kala magacaabay Gobolada Baay &...

Lafta-gareen oo Guddoomiye iyo maamul cusub u kala magacaabay Gobolada Baay & Bakool

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta maamul cusub u kala magacaabay Gobolka Bakool, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyeyaashii Gobolka Bakool ee KGS. Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen waxaa marka hore Guddoomiye cusub loogu magacaabay Gobolka Baay, waxaana loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii isaga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta maamul cusub u kala magacaabay Gobolka Bakool, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyeyaashii Gobolka Bakool ee KGS.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen waxaa marka hore Guddoomiye cusub loogu magacaabay Gobolka Baay, waxaana loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii isaga ka horreeyay ee xilkaas haayay.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Gobolka Bakool u magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed Tall, halka Cabdullaahi Maxamed Nuur isna laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Bakool.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maamulka cusub ee Gobolka Bakool loo magacaabay faray inay dardar-geliyaan shaqooyinka looga baahan yahay Gobolka, sidoo kalena faray Guddoomiyaha Gobolka Baay inuu shaqdaiisa guto.

Wareegtooyinka magacaabista ee uu soo saaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyey Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda KGS Maxamed Cali Ibraahim (Bandhabow).

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts