HomeWararWasiirkii hore A/dibedda Somalia Maxamed Cabdirisaaq” Si aan habbooneyn ayaa xilkii la...

Wasiirkii hore A/dibedda Somalia Maxamed Cabdirisaaq” Si aan habbooneyn ayaa xilkii la iiga qaaday”

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa waraysi uu siiyay BBC Soomaali si faahfaahsan uga warramay xilka qaadistii lagu sameeyay bishii November 2021. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay heshiis ku ahaayeen xilka qaadistiisa. Maxamed Cabdirisaaq ayaa xilka laga qaaday kadib sanad uu hayay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa waraysi uu siiyay BBC Soomaali si faahfaahsan uga warramay xilka qaadistii lagu sameeyay bishii November 2021.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay heshiis ku ahaayeen xilka qaadistiisa.

- Advertisement -

Maxamed Cabdirisaaq ayaa xilka laga qaaday kadib sanad uu hayay jagadaas oo uu kala wareegay danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka hore ayaa sheegay in todobaad ka hor inta aan xilka laga qaadin uu gudbiyay istaqaaladiisa, kadib markii la xallin waayay cabasho ku aaddan shaqada oo uu u gudbiyay madaxda.

“Bishiias November ee aan markaa joognay, ma aanan helin qoondadii dhaqaale ee loogu talogalay wasaaradda ee dhinaca safarrada muddo todobo bilood ah. Aniguna waxaan ahaa wasiirka ugu safarka badan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

- Advertisement -

Waxa uu intaa raaciyay in deyn badan lagu yeeshay wasaaradda uu markaa madaxda u ahaa, maadaama bishiiba ay ku baxaysay safarrada lacag dhan 40 kun oo dollar.

“Tikidhada waxaan ka sii qaadan jirnay ganacsato Soomaali ah oo iyaguba danyar ah. Markii ay denytaa gaartay 100 kun oo dollar, anigu damiirkeyga wuu isiin waayay in aan sii wado,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasiirkii hore Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in si aan habbooneyn looga qaaday xilka, isla markaana aan lagu sii wargelin ama loo sheegin sababta go’aankaas loo gaaray.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts