HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho ah la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 16-ka Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Ceelwaaq lagu soo doorty ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda si hufan ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho ah la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 16-ka Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Ceelwaaq lagu soo doorty ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda si hufan ugu adeegaan.

- Advertisement -

“Waxaa dalka ka jira duruufo adag oo wejiyo kala duwan, waxaa loo baahan yahay waajibna idinka saaran yahay inaad ka shaqeysaan sidii looga bixi lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta oo ka hadlaayay kulankii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dhawaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shaaciyay in 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq ay yihiin kuwo sharci ah, isla markaana doorashadooda ay goobjoog ka ahaayeen Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Si kastaba kal hore Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble ayaa taageeray doorashada Xildhibaanada Ceelwaaq, wallow Madaxweyne Farmaajo uu sharci darro ka dhigay Xildhibaanada lagu soo kala doortay Magaalooyinka Garbahaarey iyo Caalwaaq.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts