HomeWararQaramada Midoobay oo sare u qaadaysa Gargaarka Bini'aadantinimo ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo sare u qaadaysa Gargaarka Bini’aadantinimo ee Soomaaliya

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Iyadoo sanadkaan abaar baahsan ku dhufatay dalka oo saameeysay qoysas farabadan oo kunool Gobolada dalka ayaa Hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay inay sare u qaadayso gargaarka Bini’aadantinimo ee dalka. Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in qiyaastii 4.9 milyan oo qof ay saameeysay abaarta, ayna ka casbi qabaan inay kasii dari doonto dhammaadka bisha […]

- Advertisement -

Iyadoo sanadkaan abaar baahsan ku dhufatay dalka oo saameeysay qoysas farabadan oo kunool Gobolada dalka ayaa Hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay inay sare u qaadayso gargaarka Bini’aadantinimo ee dalka.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in qiyaastii 4.9 milyan oo qof ay saameeysay abaarta, ayna ka casbi qabaan inay kasii dari doonto dhammaadka bisha June ee sanadkaan 2022, isla  markaana ay sare u qaadi doonaan gargaarka Bini’aadantinimo.

- Advertisement -

Isku duwaha Gargaarka Bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo booqasho ku tegay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay heerarka baahidu ay si xawli ah kor ugu kacayso, wuxuuna xusay inay caawinayaan 4.9 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul ee ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.

“Qiyaastii 4.9 milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay mowjadda abaarta, waxaana la filayaa in ay kasii dari doonto dhammaadka bisha June,” ayuu yiri Abdelmoula ka dib markii uu booqasho ku tagay Magaalada Gaalkacyo si ay u qiimeeyaan saameynta abaarta.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee xaalada abaareed ee ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Bini’aadantinimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in xaalada degdega ah ee abaaraha Soomaaliya ay ka sii dartay heer uu dalku wajahayo.

Latest stories