HomeWararDowladda Maraykanka oo walaac darran ka muujisay gabood-fallada ka dhacay Itoobiya

Dowladda Maraykanka oo walaac darran ka muujisay gabood-fallada ka dhacay Itoobiya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maraykanka ayaa Jimcihii walaac ka muujiyay wararka sheegaya gabood-fallo ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya intii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay ciidmada dowladda Itoobiya oo kaashanaay maleeshiyaadka Amxaarada iyo Jabhadda TPLF. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay in kumannaan Itoobiyaan ah oo ka soo jeeda […]

- Advertisement -

Maraykanka ayaa Jimcihii walaac ka muujiyay wararka sheegaya gabood-fallo ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya intii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay ciidmada dowladda Itoobiya oo kaashanaay maleeshiyaadka Amxaarada iyo Jabhadda TPLF.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay in kumannaan Itoobiyaan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigray-ga lagu soo warramayo in ay weli si sharci darro ah ugu xiran yihiin galbeedka Tigray, iyada oo noloshoodu halis ku jirto.

- Advertisement -

Waxa uu Price sheegay in Maraykanku uu “aad uga xun yahay” natiijooyinkii dhawaan ay si wadajirka ah u soo saareen labada hay’adood ee hormuudka ka ah xuquuqul insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch, taas oo lagu ogaaday in rabshadaha gobolka ka dhacay ay ahaayeen isir sifeyn.

Warbixintu waxay soo bandhigtay tacadiyo ay gaysteen ciidamada gobolka Axmaarada oo gacan ka helaya ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyaad ah, iyada oo intaa ku dartay in boqollaal rayid ah oo ku nool galbeedka Tigray lagu khasbay in guryahooda ay ka baxaan, loona geystay hanjabaad, xadgudub galmo, hor istaag gargaar iyo dil aan sharci ahayn.

Waxa kale oo ay warbixinta hay’adahan muujinayeen caddaymo dhimasho ka dhacday xabsiyada galbeedka Tigray iyo kufsi wadareed ay geysteen ciidamada ammaanku.

- Advertisement -

Dowladda Itoobiya, ayaa iyana sheegtay inay si taxadar leh u baari doonto warbixintan, waxa ay sidoo kale ku dhaliishay in warbixintu ay hal dhinac u janjeerto.

Latest stories