HomeWararMaamulka Puntland oo Maanta soo gaba-gabeeyay Doorashada Golaha Shacabka

Maamulka Puntland oo Maanta soo gaba-gabeeyay Doorashada Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo jimco ah soo gaba-gabeeysay doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoona Magaalada Garoowe lagu doortay lixdii kursi ee ugu dambeysay. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #GSH073 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah  Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse iyo Cabdullaahi Cabdi Jaamac, balse inta […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo jimco ah soo gaba-gabeeysay doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoona Magaalada Garoowe lagu doortay lixdii kursi ee ugu dambeysay.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #GSH073 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah  Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse iyo Cabdullaahi Cabdi Jaamac, balse inta aysan bilaaban ayaa waxaa doorashada ka haray Cabdullaahi Jaamac.

- Advertisement -

Kursigaan ayaa waxaa qaab gacan taag ah loogu coddeeyay oo kusoo baxay Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse, isla markaana waxaa uu helay Codadka 101 Erg oo fadhiday hoolka, kadib markii uu doorashada ka tanaasulay Musharax Cabdullaahi.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #GSH199 ayaa waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur yare Sanyare oo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii loo tanaasulay.

Guddoomiye Cabdiladiif Muuse ayaa helay helay Codadka 100 Erg oo fadhiday hoolka ay ka socotay doorashada, waxaana u tanaasushay Luul Abshir diiriye oo la tartami laheyd, isagoona Guddoomiyaha Gobolka Mudug uu kamid noqday Baarlamaanka 11-aad.

- Advertisement -

Kursiga #GSH198 ayaa waxaa ku tartamay Musharax Cismaan Cali Yuusuf iyo Musharax Cabdiraxman Ciise Maxamed, waxaa ku guulaystay doorashada Cismaan Cali Yusuf oo helay 97 Cod Ergadii fadhiday.

Doorashada kursiga #GSH129 ayaa waxaa ku guuleysatay Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo loogu coddeeyay qaab gacan tag ah, kadib markii tartanka doorashada ay ka tanaasushay Musharax Sacdiyo Cabdullaahi Salaad oo la tartami laheyd.

Doorashada Kursiga #GSH191 ayaa waxaa ku tartamay Eng Cabdixakiin Maxamed Jaamac iyo Maxamed C/xamiid Warsame , waxaana ku soo baxay oo ku guulaystay Eng Cabdixakiin Maxamed Jamac oo helay 101 Cod dhammaan Codadka Ergada.

Kursigii ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Shacabka ee Puntland lagu soo gaba-gabeeyay Hop221 ayaa waxaa ku tartamay Cabdirisaaq Xasan Axmed iyo Cali Maxamed Axmed, Cabdirisaaq Xasan Axmed ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 99 Cod 100 Ergo oo fadhiday halka 1 Qofna uu ka aamusay.

Si kastaba Maamulka Puntland ayaa soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana maalmo kahor dhammeeyay doorashada mamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka aysan weli dhammeyn Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Latest stories