HomeWararDowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Qaraxii lagu dilay Maamulihii Schoolka Dayniile

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Qaraxii lagu dilay Maamulihii Schoolka Dayniile

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Maamule Iskuul oo manta Muqdisho Qarax lagula eegtay, kaasi oo ka mid ahaa Maamula yaasha iskuulaadka ku yaalla Gobolkani Banaadir. Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya […]

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Maamule Iskuul oo manta Muqdisho Qarax lagula eegtay, kaasi oo ka mid ahaa Maamula yaasha iskuulaadka ku yaalla Gobolkani Banaadir.

Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda mudane Mohamed Abbi Hassan ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, oo sida la sheegay lala beegsaday Maamulihii iskuulka degmada Deeyniile Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle), isla goobta ayuuna ku geeriyooday Marxuumku.

Qaraxa kadib Wasaaradda ayaa soo saartay Qoraal, waxaa Ehelkiisa, Bahda Waxbarashadda, kaga tacsiyeeyeen Geerida marxuumka.

“Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda mudane Mohamed Abbi Hassan, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashadda, waxa ay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Walalkeen Macalin Daahir Xasan Tooxow, oo ka mid ahaa Maamulayaasha Dugsiyadda Dowladda gaar ahaan Maamulaha Schoolka Dayniile oo ku geeriyooday Qarax lagula beegsaday Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. ALLAHA u naxariisto, Ehelkiisa, Bahda Waxbarashadda, Samir iyo Iimaan ALLAHA ka siiyo, annagana gadaashiis nama fitneeyo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Dowaladda Soomaaliya.

Latest stories