HomeWararAxmed Madoobe oo Golaha Wasiirada Jubbaland Warbixin ka siiyay Doorashada socota

Axmed Madoobe oo Golaha Wasiirada Jubbaland Warbixin ka siiyay Doorashada socota

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa shir gudoomiyey kulanka Golaha Wasiiradda oo maanta lagaga hadlay qodobo kala duwan. Madaxweynaha ayaa ugu horayn golaha uga warbixiyey xaaladda amaanka xili ciidamadda ay ku howlanyihiin sugida amniga deegaanada Jubbaland, iyadoo Madaxweynahu uu ku amaanay Ciidaamada sida ay diyaarka ugu yihiin  badbaadinta iyo ilaalinta shacabka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa shir gudoomiyey kulanka Golaha Wasiiradda oo maanta lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn golaha uga warbixiyey xaaladda amaanka xili ciidamadda ay ku howlanyihiin sugida amniga deegaanada Jubbaland, iyadoo Madaxweynahu uu ku amaanay Ciidaamada sida ay diyaarka ugu yihiin  badbaadinta iyo ilaalinta shacabka xili dalka uu doorasho ku jiro.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu golaha warbixin ka siiyay doorashooyinka kasocda guud ahaan dalka iyo si gaar ah Jubbaland isagoo sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha xildhibaanada dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland.

Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland ayaa ka warbixiyey xaaladda abaaraha oo kasii daraysa iyo xiriirinta howlaha  Gargaarka

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda ay isbuucydan soo socda gurmad gaarsiin doonto qoysas gaaraya  (97,000) sagaashan iyo todobo kun oo qoys oo isugu jira raashin iyo lacag Iyadoo todobaadkana ay wasaaradda qaabili doonto wafuud calami ah, Wasiirka waxa uu sheegay in aalada fogaan araga uu ka qayb gali doono madasha arrimaha bini’aadanimada Midwoga Yurub halkaa oo uu kaga warbixin doono arimaha abaaraha ee kajira deegaanada Jubaland.

Latest stories