HomeWararMaamulka Garbahaarey oo Dalbaday in si Deg-deg loogu diro Guddiyada Doorashooyinka

Maamulka Garbahaarey oo Dalbaday in si Deg-deg loogu diro Guddiyada Doorashooyinka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddoomiyaha Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo Xasan Sheekh Cilmi ayaa ka hadlay doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee taalla Magaaladaas, xaaladda amniga Garbahaarey iyo tan abaareed ee heysata qoysaska. Guddoomiye Xasan Sheekh oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin in doorashada Golaha Shacabka lagu qabto Garbahaarey, […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo Xasan Sheekh Cilmi ayaa ka hadlay doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee taalla Magaaladaas, xaaladda amniga Garbahaarey iyo tan abaareed ee heysata qoysaska.

Guddoomiye Xasan Sheekh oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin in doorashada Golaha Shacabka lagu qabto Garbahaarey, isla markaana ay soo dhaweynayaan Guddiyada doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Wuxuu Guddoomiyaha Garbahaarey ka dalbaday dowladda inay si deg deg ah ugu soo diraan Guddiyada doorashooyinka heer Federaal, kuwa Xallinta Khilaafaadka iyo kuwa Jubbaland, si ay u qabtaan doorashada kuraasta taalla Magaaladaas, maadaama 5 maalin ay ka harsan tahay waqtigii lagu heshiiyay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada.

Guddoomiye Xasan Sheeka ayaa xusay in wax dhib ah uusan ka jirin xaaladda amni ee Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, ayna diyaar u yihiin soo dhaweynta Guddiyada iyo Musharaxiinta, isla markaana la isku haleyn karo amniga Magaaladaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayuu Guddoomiye Xasan ugu baaqay inuu Guddiyada doorashooyinka u soo diro, sidoo kalena Musharaxiinta ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan u tegaan Garbahaarey, isagoo intaas kusii daray in loo baahan yahay in loo gurmado dadka ay abaarta saameeysay.

- Advertisement -

Si kastaba Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Garbahaarey ayaa diiday in Garbahaarey ay tagaan Guddiga qiimeynta uu Rooble u magacaabay xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, iyagoona sheegay in Guddigaas aysan waxba soo kordhineynin oo ay ka shaqeynayaan sidii doorashada Golaga Shacabka looga wareejin lahaa Magaalada.

Latest stories