HomeWararDaahir Amiin Jeesow oo loo doortay XIldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Daahir Amiin Jeesow oo loo doortay XIldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#030 Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Doorashada kursiga HOP#030 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Cali Cabdullahi Xeefow iyo Daahir Amiin Jeesow oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey kuraasigaas doorashadiisa Maanta […]

- Advertisement -

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#030 Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Doorashada kursiga HOP#030 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Cali Cabdullahi Xeefow iyo Daahir Amiin Jeesow oo sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey kuraasigaas doorashadiisa Maanta lagu qabtay Baladweyne.

- Advertisement -

Daahir Jeesow ayaa ku guuleystay oo kusoo baxay mar kale kursiga OP#030 Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa shaaciyey in Daahir Amiin Jeesow oo loo qaaday Codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 101 Ergay ayaa waxuu helay 101 Cod oo ah dhammaan cododka ergaydii soo xaadirtay.

Doorashada kuraas kale ayaa ka socota Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana Maanta oo khamiis ah la qorsheeyay in Magaaladaas ay ka dhacdo doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta harsan ee taalla Baladweyne.

Latest stories