HomeWararYuusuf Dabageed oo markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka kala dhexeeya Cali...

Yuusuf Dabageed oo markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka kala dhexeeya Cali Guudlaawe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yusuf Ahmed Hagar Dabageed ayaa ka jawaabay wararkii maalmihii ugu dambeyay la isla dhex-marayay ee ku aaddanaa in khilaaf xooggan uu u dhexeeyo isaga iyo Madaxweynaha maamulkaaasi Cali Guudlaawe Xuseen. Yuusuf Dabageed ayaa beeniyey eedo loo soo jeediyey oo ku aadan inuu madaxtooyada dowlada Soomaaliya kala shaqeynaayo sidii dad gaar ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yusuf Ahmed Hagar Dabageed ayaa ka jawaabay wararkii maalmihii ugu dambeyay la isla dhex-marayay ee ku aaddanaa in khilaaf xooggan uu u dhexeeyo isaga iyo Madaxweynaha maamulkaaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

Yuusuf Dabageed ayaa beeniyey eedo loo soo jeediyey oo ku aadan inuu madaxtooyada dowlada Soomaaliya kala shaqeynaayo sidii dad gaar ah oo ay wadato loogu xiri lahaa kuraasta qaar.

- Advertisement -

Waxaa uu intaasi ku daray in uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya labadooda, isagoo intaa ku daray in go’aan kasta uu leeyahay Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in aysan jirin doonin kuraas gaar ah oo dad loo xiri doono, haatanna ay ka shaqeynayaan sidii doorasho daah furan ay kaga dhici laahyd Hirsahbelle.

Jawaabta Dabageed ayaa timid ayada oo Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu sheegey in madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe uu muujiyey niyad wanaag iyo in doorashada si furan loogu tartamo, balse ay jiraan xubno ka mid ah maamulka oo la shaqeynaya Villa Somalia.

- Advertisement -

Waxaana isi soo taraya wararka xasaasiga ah ee ku aaddan doorashada Golaha Shacabka ee maamulka Hirshabelle, waxaana Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ay shaaciyeen in ay hakiyeen qabashada doorashada Seddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee yaalla magaaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaana amarkaasi uu ka dambeeyay kadib markii Guddiga maamulkaasi uu sheegay in berry uu qabanayo doorashada Kuraasta la hakiyay, balse  guddiga Doorashooyinka Hirshabelle ee SEIT weli wax jawaab ah kama baxin warka ka soo baxay guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts