HomeWararCumar Filish oo mar kale digiin u diray dadka ku hawlan ka...

Cumar Filish oo mar kale digiin u diray dadka ku hawlan ka ganacsiga maandooriyaha

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Degmada Heliwaa uga qeyb galay ololaha wacyigalinta ka hortagga isticmaalka Maandooriyaha oo si joogta ah uga socda degmooyinka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaasha degmooyinka, Agaasimayaal, culima’udiin iyo ururrada bulshada Rayidka ayaa goob joog ka ahaa goobta munaasabadda looga hadlayay ololaha wacyigalinta ka hortagga Maandooriyaha, […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Degmada Heliwaa uga qeyb galay ololaha wacyigalinta ka hortagga isticmaalka Maandooriyaha oo si joogta ah uga socda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaasha degmooyinka, Agaasimayaal, culima’udiin iyo ururrada bulshada Rayidka ayaa goob joog ka ahaa goobta munaasabadda looga hadlayay ololaha wacyigalinta ka hortagga Maandooriyaha, iyadoo qeybaha kala duwan ee goobta ka hadlay ay si wada jir ah u tilmaameen dhibaatada ay leedahay isticmaalka Maandooriyaha.

- Advertisement -

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ka hadlay qatarta balaaran oo uu bulshada iyo xasiloonida Caasimadda ku haayo isticmaalka Maandooriyaha, waxaana uu laamaha amniga faray inay xoojiyaan ka hortagga maandooriyaha, isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaado cidkasta oo isticmaaleysa Maandooriyaha.

Latest stories