HomeWararDoorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo Maanta dhaceysa iyo waddooyinka oo loo xiray

Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo Maanta dhaceysa iyo waddooyinka oo loo xiray

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ayaa Maanta oo jimco ah waxaa lagu qabanayaa doorashada shanta Xildhibaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee metalaya Beelaha Banaadiriga. Guddiga Maamulka Doorashada Banaadiriga ayaa diiwaan-geliyey Musharixiin dooneysa inay u tartamaan shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga, isla markaana la siiyay shahaadada Musharaxtinimo, sida ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ayaa Maanta oo jimco ah waxaa lagu qabanayaa doorashada shanta Xildhibaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee metalaya Beelaha Banaadiriga.

Guddiga Maamulka Doorashada Banaadiriga ayaa diiwaan-geliyey Musharixiin dooneysa inay u tartamaan shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga, isla markaana la siiyay shahaadada Musharaxtinimo, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashada.

- Advertisement -

Doorashadan ayaa waxaa kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP#266, HOP#105, HOP#034, HOP#265 iyo HOP#084, waxaana dhammaan dadka ku fadhiyey kuraastan ay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ku metalayeen Beelaha Banaadiriga.

21-kii bishaan Febraayo ayaa lagu waday in la qabto doorashada, balse Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hakiyey doorashada, kadib markii cabasho ka timid qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka kursi tirsan kuraasta Beelaha Banaadiriga, iyadoona xal laga gaaray arrintaas.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta xiray waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira doorashada Maanta ka dhaceysa Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts