HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay...

Faah faahin kasoo baxeysa Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Puntland

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo xalay ka dhacay afaafka laga galo Magaalada Qardho ee xigta dhinaca Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, shilkaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Shilkaan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca raaxada […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo xalay ka dhacay afaafka laga galo Magaalada Qardho ee xigta dhinaca Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, shilkaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca raaxada ah, xili ay iskaga horyimideen meel ku dhow Magaalada Qardho ee xigta dhinaca Magaalada Garoowe.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyooday shilkaas dhacay, halka ay ku dhaawacmeen laba qof kale oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga, isla markaana waxaa durbadii dadka dhaawacmay loola cararay Xarun Caafimaad.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland Col. Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan) ayaa sheegay in shilkaas uu khasaaro dhaliyey, ayna wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sababta dhalisay shilkaas dhacay.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa marar kala duwan sidaan oo kale uga dhacay shilal sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaan gaadiidka oo xawaare dheereeya lagu wado…

Latest stories