HomeWararRW Rooble oo Hay'addaha Amniga iyo AMISOM kala hadlay adkeynta Ammaanka Muqdisho

RW Rooble oo Hay’addaha Amniga iyo AMISOM kala hadlay adkeynta Ammaanka Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xoojinta amniga Dalka, la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho  iyo adkaynta amniga Doorashada. Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xoojinta amniga Dalka, la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho  iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha J.F  Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM dadaalada ay wadaan ee ku aadan xoreynta deegaanada ka maqan gacanta dowladda Federaalka, waxuna Ra’iisul Wasaaraha ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ka dhacayeen falal amniga lid ku ah sida dilal qorsheysan oo ay geysanayeen kooxo hubeysan iyo qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed…

Latest stories