HomeWararGuddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Tahliil Shaatax ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka ee socda. Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa waxaa uu sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble u muujiyey welwelka ay Bulshada Rayidka ka qabaan qaabka au ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Tahliil Shaatax ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka ee socda.

Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa waxaa uu sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble u muujiyey welwelka ay Bulshada Rayidka ka qabaan qaabka au ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka iyo  waqtiga loo qabtey oo uun labo maalin ka harsan tahey.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddomiye Shaatax ayaa la wadaagey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta howlaha u baahan in la qabto doorashooyinka ka dib, kuwaas oo lagu xalinaayo dhibaatooyinka ka dhalan doono doorashooyinka dalka.

Ururrada Bulshada Rayidka ayaa horey u sheegay in aan la fulin qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka iyo tallooyinkii ay Bulshada Rayidka siiyeen Golaha ee ahaa in doorashada Golaha Shacabka ay noqoto mid daah-furan.

Laba maalin oo qura ayaa ka haray waqtigii lagu heshiiyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo, wuxuuna waqtiga ku egyahay 25-ka bishaan Febraayo, isla markaana waxaa weli harsan oo aan la dooran in ka badan 100 Xildhibaan oo kamid noqon lahaa Golaha Shacabka.

Latest stories