HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Qaraxii dadka badan ku dhinteen...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Qaraxii dadka badan ku dhinteen ee Baladweyne

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u Cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray dhammaaday ehelada dadkii ku dhintay qaraxa Is-miidaaminta ee isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle, Musharaxiin Xildhibaano iyo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u Cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray dhammaaday ehelada dadkii ku dhintay qaraxa Is-miidaaminta ee isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle, Musharaxiin Xildhibaano iyo dad kale oo shacab ah, isagoo Alle Caafimaad uga baryay dadkii dhaawacmay.

- Advertisement -

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisadu maanta ka geysteen Beledweyne oo ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad aan waxba galabsan.Waxaan u tacsiyeynayaa ehelada dadkii dhibtu gaartay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Eebbe ha bogsiiyo ayuu yiri RW Rooble oo ka hadlay qaraxa.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay qaraxa oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle, Musharaxiin Xildhibaano iyo dad kale, halka 30 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Baladweyne.

Qaraxaan ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab, wuxuuna qaraxa dhacay uu kusoo aaday, iyada Magaalada todobaadyadii dambe ay kusii qulqulayeen siyaasiyiin, Musharaxiin Xildhibaano iyo xubno kale, maadaama ay ka dhaceyso doorashada Golaha Shacabka.

Latest stories